Shirweynihii ugu horreeyay ee Xisbiga Barwaaqo, waxaa lagu dajiyay yoolal iyo qorshayaal muhiim ah kuwaasoo si guul leh loo fuliyey- Aadan Faarax - ENA Af-Soomaali
Shirweynihii ugu horreeyay ee Xisbiga Barwaaqo, waxaa lagu dajiyay yoolal iyo qorshayaal muhiim ah kuwaasoo si guul leh loo fuliyey- Aadan Faarax

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 16/2017 (ENA): Aadan Faarax, Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Dalka ahana Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Madaxa Xarunta Iskuduwida Dhismaha ee Nidaamka Dimuqraadiyadda, wuxuu carrabka ku adkeeyay in xisbiga uu ku guuleystay dhismaha nidaamka dimuqraadiyadda, mideynta qaranka, iyo xoojinta awoodda hoggaamineed ee heer federaal ilaa heer degmo.
Waxaa uu sheegay in xisbiga uu hormuud u yahay sare u qaadista wax soo saarka gudaha, gaar ahaan dhinaca beeraha, taas oo horseeday in Itoobiya ay awooddo inay dhoofiso qamadiga markii ugu horraysay.
Dhanka dhaqaalaha, xisbiga wuxuu diiradda saaray horumarinta joogtada ah, iyadoo Itoobiya ay sanadadii la soo dhaafay ka mid noqotay shanta waddan ee ugu dhaqaalaha badan Afrika, celcelis ahaana dhaqaaleheedu uu kobcay 7.2%.
Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga ayaa dhinaca diblomaasiyadda sheegay in Itoobiya ay ku guulaysatay ilaalinta danta iyo karaamada qaranka, iyadoo sidoo kale lagu xoojiyey midnimada qaranka iyo siyaasadda xisbiyada oo dhexdhexaad ah.
Ugu dambayntii, go'aamadii iyo qorshayaashii shirweynihii koobaadvee xisbiga ayaa si hufan loo hirgaliyay isagoo kuu amaanay hoggaamiyeyaasha dalka iyo kuwa degaannada kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen fulinta qorshayaasha xisbiga iyo horumarinta dalka, isagoo uga mahadceliyay dedaalkooda.