Heshiiska Ankara ayaa saameyn xoogan kuleh Xasiloonida Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Geeska Afrika - ENA Af-Soomaali
Heshiiska Ankara ayaa saameyn xoogan kuleh Xasiloonida Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Geeska Afrika

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 14/2017 (ENA): Heshiiska Ankara ayaa la rumeysan yahay inuu door muhiim ah ka qaadanayo xasiloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika, sida uu xaqiijiyay khabiir arrimaha sharciga ah oo u waramay ENA.
Abebe Gutaa ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay natiijo ka dhalatay dadaal diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay Itoobiya ku doonayso inay hesho deked ammaan ah.
Abebe ayaa intaa ku daray in heshiiska Ankara uu kor u qaadayo nabadda, xasiloonida, iyo amniga Geeska Afrika, isagoo si gaar ah u tilmaamay muhiimadda heshiiska ee ku saabsan xoojinta iskaashiga dhaqaale, siyaasadeed, dhaqameed, iyo bulsheed ee Itoobiya iyo dalalka deriska ah.
Waxa uu xusay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay leeyihiin dano badan oo ay wadaagaan, taas oo ka dhigeysa heshiiskan mid waxtar u leh labada dhinac. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay haysato taageero sharci oo caalami ah oo ku saabsan xaqa ay u leedahay inay hesho marin badeed.
Heshiiska Ankara ayaa sidoo kale loo arkaa mid kor u qaadaya sumcadda diblomaasiyadeed ee Itoobiya ee heer caalami, taas oo sii xoojinaysa kaalinta ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.
Itoobiya waxay qaadatay hab-diblomaasiyadeed oo ku saleysan iskaashi, nabad iyo faa’iido wadaag ah oo dhexmara dalalka dariska ah, taas oo looga gol leeyahay in la xoojiyo xiriirka gobolka iyo wadajirka faa’iidooyinka la wadaago.
Abebe wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka Itoobiya ay midnimo muujiyaan si loo ilaaliyo danaha qaran. Waxa uu ku tilmaamay arrinta dekedda mid muhiim u ah danaha qaranka ee joogtada ah ee Itoobiya.
Ugu dambayntii Abebe ayaa sheegay in heshiiska Ankara uu yahay guul diblomaasiyadeed oo Itoobiya ka caawinaysa inay hesho marin badeed ammaan ah iyadoo ilaalinaysa xiriirka deriska iyo faa’iidooyinka wadajirka ah.