Waxaa la wadaa diyaargarowga soo-dhaweynta gaarka ah ee Madaxda Afrikaanka iyo Martida kale ee shirka Midowga Afrika

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 14/2017 (ENA): Duqa maamulka magaalada Addis Ababa, Adhaanej Abebe, ayaa sheegtay in diyaar-garow xoogan lagu samaynayo sidii loo soo dhaweyn lahaa madaxda Afrika kulanka 38-aad ee Madaxda Midowga Afrika si heer sare ah.


 

“Addis Ababa, oo ah xarunta diblomaasiyadda Afrika iyo caalamka, iyo astaanta midnimada qowmiyadaha, waxay si gaar ah uga shaqaynaysaa sidii ay ugu soo dhaweyn lahayd martida kulanka taariikhiga ah si ka wanaagsan sidii hore,”.


 

Waxay sheegtay in martida loo soo dhaweyn doono si dhaqanka iyo quruxda Itoobiya loo muujiyo, iyadoo lagu boorinayo dadka deegaanka inay qaataan masuuliyadda nadiifinta iyo qurxinta magaalada si loo kordhiyo sharafta iyo magac wanaagsan ee dalka.

Ugu dambayntii marwo Adhaanaj ayaa ku baaqday “Waa inaan iska kaashanaa sidii aan u soo dhaweyn lahayn martida, ugana shaqayn lahayn sidii magaca dalkeenna iyo maamuuska bulshada ay kor ugu kici lahaayeen,”.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015