Jigjiga waxaa gaadhay Xeerka Soomaaliyeed ee Xeer-Ciise oo ay UNESCO aqoonsatay

Jigjiga, Xorrey/Tahsaas 8/2017 (ENA): Madaxwayne Mustafe Muxummed ayaana la guddoonsiiyay shahaadada aqoonsiga xeerka beesha Ciise.

Xeerka beesha ciise oo lagu dhaqmayay in ka badan 600 oo sano ayay dhawaan ugaratay hay'adda caalamiga ah ee UNESCO in la aqoonsado maadaama uu yahay xeer mudan in la dhawro.


 

Haddaba, munaasibad ujeeddadeedu tahay in la guddoonsiiyo xeerka dhaqanka beesha Ciise ee Xeer-Ciise Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed ayaa lagu qabtay gudaha Madaxtooyada Deegaanka.

Madaxweynaha oo munaasibaddan ka hadlay ayaa sheegay in xeerkani ay tahay in hoos loo eego oo la akhriyo maadaama ay kujiraan qoddobo badan oo muhiim ah oo wax laga baran karo.


 

Madaxweymaha ayaa tilmaamay in bulshooyinka ixtaraama dhaqamadooda iyo xeerarkooda ay ka midnimo iyo nabadgelyo fiican yihiin bulshooyinka kale, taasina waxaa markhaati u ah bulshada gobolka Siti oo aysan jirin wax dagaalo sokeeye oo dhexdooda ah.

Mudane Ibraahim Cusmaan, Madaxwayne kuxigeenka DDS ayaa sheegay in guusha usoo hooyatay Soomaalida curinteedii ama billowgeedii ay lahaayeen bulshada ku nool wadankeena balse midhaheedu ay tahay wax ay wada heleen guud ahaan bulshada soomaaliyeed ee wadamada: Itoobiya, Jabuuti iyo Somaaliya.


 

Aqoonsiga xeerkan ayaa ah guul usoo hooyatay guud ahaan ummadda soomaaliyeed maadaama uu yahay mid ilaalinaya/xafidaya xeerasha dhaqanka iyo hidaha bulshada soomaaliyeed ee beesha Ciise.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015