Ugaaska Beesha Ciise oo si rasmi ah loogu wareejiyey shahaadada aqoonsiga Xeer Ciise ee Hay,adda Caalamiga ah ee UNESCO

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 7/2017 (ENA): Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday aqalka Ugaaska Beesha Ciise ee Ismaamulka Diri Dhaba, halkaasoo shahaadada aqoonsiga ee Xeer Ciise ee lagu ansixiyey shirkii 19aad ee UNESCO, si rasmi ah loogu wareejiyey Ugaas Mustafe Maxammed Ibraahim, Ugaaska Beesha Ciise.


 

Munaasabadda waxaa ka soo qayb'galay guddigii ka qayb'galay shirkii UNESCO, waxaana hoggaaminayey Madaxweyne Kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan, Mas'uuliyiinta Ismaamulka Diri Dhaba, oo uu ugu horeeyo Duqa Ismaamulka, Mudane Khadiir Jawhar, masuuliyiin katirsan DDS, Culumaa,udiin, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.


 

Ugaas Mustafe Maxammed Ibraahim ayaa sheegay in Wareejinta shahaadadan ay calaamad u tahay aqoonsiga caalamiga ah ee Xeer Ciise, oo ah hannaan dhaqameedka muhiimka ah ee Beesha Ciise.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015