Heshiiskii Ankara wuxuu sare u qaaday socdaalka horumarka ee Itoobiya – Mudane Ordin Badri

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 5/2017 (ENA): Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Hararida, Mudane Ordin Badri, ayaa sheegay in heshiiskii Ankara uu sare u qaaday geedi-socodka horumarka ee Itoobiya, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah.

Kadib heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa Deegaanka Harar lagu qabtay kulan wadatashi ah oo uu hoggaaminayey madaxweynaha deegaanka.


 

Madaxweynaha ayaa xusay in heshiisku uu dhiirrigelinayo walaaltinimada halkii uu ka sii hurin lahaa khilaafaadka, taas oo ah arrin muhiim ah oo laga faa’iiday.

Wuxuu intaa ku daray in heshiiska uu sharciyan iyo taariikhiyan xaqiijiyay xuquuqda Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin-badeed waara, isaga oo caddeeyay in tani ay tahay guul muhiim ah oo taariikhi ah.


 

Mudane Ordin Badri ayaa sidoo kale sheegay in dowlad deegaanka Harar ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo maamul wanaagga, si loo xaqiijiyo himilooyinka deegaanka, sida lagu sheegay xogta ka soo baxday Xafiiska warfaafinta ee Deegaanka Hararida.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015