Waxaa loo dabaaldegayaa Xuska Dhishtaa Ginnaa ee qowmiyada Arri - ENA Af-Soomaali
Waxaa loo dabaaldegayaa Xuska Dhishtaa Ginnaa ee qowmiyada Arri

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 1/2017 (ENA): Xuska sannadka cusub ee qowmiyada Arri ee loo yaqaan Dhishtaa Ginnaa, oo astaan u ah bilowga sannadkooda cusub, ayaa ka socda magaalada Jinka, iyadoo ay goob joog ka yihiin masuuliyiinta sare ee deegaanka oo ugu horeeyo Madaxweynaha deegaanka Koonfurta Itoobiya Tilaahun Kabadha.
Xuska Dhishtaa Ginnaa ayaa waxaa sanadkan halkudheg looga dhigay " Nabaddgalyada, midnimada, iyo horumarka Diishita Ginnaa" waxaana diiradda lagu saarayaa in lagu xoojiyo dhaqanka wanaagsan ee bulshada dhexdeeda.
Sida laga soo xigtay Xafiiska warfaafinta ee deegaanka, xusku wuxuu muhiim u yahay ilaalinta iyo kor u qaadidda qiyamka wanaagsan ee bulshada.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya masuuliyiinta sar sare ee deegaanka odayaal dhaqameed, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo martisharaf kale.