Hay'adda UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dhaqanka Xeer Ciise - ENA Af-Soomaali
Hay'adda UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dhaqanka Xeer Ciise
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 12/2017T.I.(ENA): Kalfadhigii 19aad ee Hay'adda UNESCO ayaa loo soo bandhigay loona soo jeediyay warbixin ku saabsan dhaqanka Xeer Ciise.
Sharaxaada iyo soojeedinta kadib golaha ayaa si buuxda u ansixiyay in uu Xeer Ciise ka mid noqdo dhaqamada caalamiga ah ee ay aqoonsantahay hay'adda u qaabilsan Qaramada Midoobay dhinaca waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka UNESCO.
Kalfadhigani 19aad ee guddiga hay'adda UNESCO ayaa waxaa ka qaybgalay, islamarkaana khudbad ka jeediyay madaxwayne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan isagoo metelayay dowladda Itoobiya.
Madaxwayne kuxigeenka oo mahadnaq ballaadhan u jeediyay guddiga iyo hay'adda UNESCO ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay xeerkan Ciise ee la aqoonsaday.
Ugu dambayntii xeerkan Ciise ayaa ah mid lagaga dhaqmo saddec dal oo kala ah Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, iyadoo xeerkan Ciise uu si guud u hogaamiye Ugaaska Beesha Ciise oo fadhigiisu yahay magaalada Diri Dhaba ee dalkeena, iyadoo xeerkan uu iskuxidhayo dhamaan beesha kuwaasoo si rasmi ah u kala degan saddexda dal.