Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Diridhaba iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Asarbayjan ee Alaat ayaa gaadhay heshiiyey iskaashi

Addis Ababa;  Gudba/Hidaar 22, 2017 (ENA): Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Diridhaba iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Asarbayjan ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan.


Heshiiska ayaa yimid markii wafdi ay hogaaminayaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ay booqasho ku tageen Aagga dhaqaalaha xorta ah ee Alat ee dalka Asarbayjan.


Booqashada Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Diridhaba, oo dhawaan si dhammaystiran loo hirgeliyay, ayaa waxaa ka mid ah habab kala duwan ee caalamiga ah oo ay ka mid yihiin adeeg bixinta addega hal goob ah.

Waxa kale oo la sheegay in khibrad iyo waayo-aragnimo la wadaagay.
Waxaa la sheegay in booqashadu ay abuurtay in xidhiidhka labada hay'adood u dhexeeya Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Alat iyo Diridhaba si ay mustaqbalka u wada shaqeeyaan.


Sida xogta aan kuhelayno waftigan oo ka kooban hay’ado kala duwan oo dawli ah ayaa wada hadalo iyo indho-indhayn kula yeeshay masuuliyiinta hay’adaha ka shaqeeya beeraha warshadaha iyo hay’adaha yaryar iyo kuwa dhexe marka laga reebo Aaga Dhaqaalaha Xorta ah ee Aalat.

Aagga dhaqaalaha xorta ah ee Alat ayaa Ku fadhiya dhul dhan 719 oo hektar  oo ku yaal caasimadda Asarbayjan, ee Baku.

Aagga ganacsiga xorta ah ee diridhaba ayaa la og yahay inuu yahay kii ugu horreeyay ee Itoobiya ee ka koray  beerta warshadaha una guuray aagga ganacsiga xorta ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015