Mashruuca Hindisaha Geeska Afrika "African Horn Initiative" wuxuu u yahay Itoobiya ilo dhaqaale oo dheeraad ah iyo awood horumarineed,- Guddoomiyaha Ururka, Axmed Shide - ENA Af-Soomaali
Mashruuca Hindisaha Geeska Afrika "African Horn Initiative" wuxuu u yahay Itoobiya ilo dhaqaale oo dheeraad ah iyo awood horumarineed,- Guddoomiyaha Ururka, Axmed Shide

Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 06/2017T.I.(ENA): Mashruuca Hindisaha Geeska Afrika "African Horn Initiative" oo uu hal abuurkeeda lahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.) ayaa jira muddo shan sano ah tan iyo markii la aasaasay.
Mashruucan waxaa sameeyey todoba dal oo ku yaalla Bariga Afrika, oo ay ku jirto Itoobiya, waxaana hoggaamiya wasiirrada maaliyadda ee dalalkan.
Mashruucan waxaa loo aasaasay sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhaqaale oo ka dhexeeya waddamada Gobolka, laguna hubiyo nabad waarta iyo horumar joogto ah.
Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ahna Gudoomiyaha Ururka Hindisaha Geeska Afrika Axmed Shide wuxuu sheegay in mashruucan uu diiradda saarayo iskaashi dhaqaale, horumarinta nolosha dadka, iyo xal u helidda caqabadaha ka dhasha wada-shaqeynta.
Waxaa la qorsheeyey in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka sida wadooyinka tareenada, jidadka, tamarta, iyo la-dagaalanka dhibaatooyinka dabiiciga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha.
Waxaa sidoo kale la dhisay jibriyo iskaashi oo wadajir ah si loo xoojiyo ganacsiga u dhexeeya waddamada Gobolka.
Shantii sano ee la soo dhaafay, waxaa la hirgeliyey mashaariic qiimahoodu ka badan yahay 15 bilyan oo doolar, iyadoo 10 bilyan oo doolar ay mar horeba shaqadeedu socoto.
Axmed Shide wuxuu tusaale u soo qaatay mashaariicda Itoobiya ay ka faa’iiday, sida jidka tareenka ee Ma'ayso-Diri Dhaba iyo wadada tareenka ee Addis Ababa-Jabuuti.
Waxa uu sheegay in mashaariic badan oo ka socda Djibouti, Kenya, iyo waddamada kale ee Gobolka ay qayb ka yihiin mashruucan, iyadoo ay ku jiraan waddo isku xiraysa Itoobiya iyo Koonfur Suudaan.
Itoobiya waxay balanqaadday taageero xooggan si loo hubiyo nabadda, horumarka, iyo joogteynta mashruuca Hindisaha Geeska Afrika ee African Horn Initiative.
Mashruucan waxaa taageeraya Bangiga Adduunka, iyadoo sidoo kale ay ka qaybqaadanayaan Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub, iyo dalal kale oo wada-shaqeyn la leh.
Axmed Shide wuxuu carabka ku adkeeyey in mashruucan uu u yahay Itoobiya ilo dhaqaale oo muhiim ah, kaas oo ku xiraya fulinta siyaasadaha dhaqaalaha ee heer qaran.
Waxaa la qorsheynayaa in shir lagu qiimeeyo waxqabadka shanta sano ee mashruucan iyo qorshaynta mustaqbalka la qabanayo bisha December ee soo socota iyadoo lagu qaban doono magaalada Addis Ababa.