Siyaasadda beeraha iyo horumarinta reer miyiga ayaa u sahashay beeralayda inay noqdaan hormuudka kobaca dhaqaalaha – Girma Amante (Dr.)

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 11/2016T.I.(ENA): Siyaasada cusub ee beeraha iyo horumarinta reer miyiga ayaa suurta galisay in beeralaydu ay kaalin libaax leh ka qaataan kobaca dhaqaalaha, ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Girma Amante (Dr.).

Waxaa socda madal qaran oo lagu horumarinayo siyaasadda horumarinta beeraha iyo miyiga.

Girma Amante waxa uu sheegay in siyaasadu ay u sahashay beeralayda in ay door wanaagsan ay ka qaataan kobaca dhaqaalaha iyaga oo kordhinaya wax soo saarka, yaraynta faqriga iyo hubinta sugnaanta iyo iskufilnaanshaha cuntada.

Waxa kale oo uu tilmaamay in siyaasadda cusub ee horumarinta reer miyiga loo dejiyay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira, isla markaana loogu xidhi lahaa beeraha iyo qaybaha kale ee dhaqaalaha, si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah si joogto ah, isla markaana loo hubiyo wax-soo-saarka iyo tartanka beeraha.

Siyaasaddii iyo istiraatijiyaddii horumarinta reer miyiga ee la hirgeliyey ilaa 1994kii waxa lagu beddelay siyaasadda cusub ee beeralayda iyo horumarinta reer miyiga oo Golaha Wakiilladu ansixiyeen sannadkii hore.

Waxaa la tilmaamay in ujeedka laga leeyahay siyaasaddan uu yahay in isbedel qaab dhismeed laga sameeyo miyiga marka la gaaro sanadka 2030-ka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015