Macnaha midabada calanka Itoobiya... - ENA Af-Soomaali
Macnaha midabada calanka Itoobiya...
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 04/2016T.I.(ENA):
Maanta waxaa guud ahaan dalka laga xusayaa xuska 17-aad ee maalinta calanka.
Hadaba, waa maxay macnaha midabada calanka Itoobiya iyo astaanta calanka ku dhex taal?
1. Midabka cagaarka ah waa astaanta shaqada, koritaanka iyo horumarka.
2. Mudabka Jaallaha/Huruuda ahna waa astaan rajo, cadaalad iyo sinnaan.
3. Guduudku/Casaanku waa astaan u taagan naf hurnimada iyo geesinimada xorriyadda iyo sinnaanta.
Sidoo kale, micnaha astaanta ee dhexda calanka kaga taal ayaa sida hoos ku qoran ay sheegaysaa xogta Golaha Wakiilada Shacabka JDFI.
1. Goobada buluuga ah ee wareegsan waxay u taagan tahay nabadda.
2. Xariiqyada toosan iyo kuwa siman ayaa tilmaamaya sinnaanta shucuubaha, qoomiyadaha iyo dadyowga iyo sidoo kale diimaha.
3. Xiddiggta oo ka kooban xariiq toosan oo siman ayaa tilmaamaysa midnimada shucuubta, iyo qowmiyadaha Itoobiya.
4. Ilayska jaallha/huruuda ah: waxay tilmaan u tahay rajada ifaysa ee ummadda, qowmiyadaha, ee ku dhisan midnimada iyo is-jacaylka.