Dugsiga Caalamiga ah ee Afdheer oo ay ku baxday in ka badan 99 Milyan oo Birr ayna dhiseen Hablo qurbajoog ah oo gobolka udhashay ayaa xadhiga laga jaray

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram, 25/2016T.I.(ENA): Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa ee Wadanka Kenya Mudane Nadiif Jaamac Aadan ayaa daah-furay Dugsiga Caalamiga ah ee Afdheer (Afdheer International School) oo lagu baran doono Diin iyo Dunuubiba.


 

Iskoolkan oo loo dhamaystiray guud ahaan adeegyadii uu ardaygu ubaahnaa ee sida: Hooy, Cunno iyo baris-barasho, sida oo kalana leh adeegyada dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Special Needs) ayay dhiseen hablo qurbajoog ah oo kasoo jeeda gobolka Afdheer kuwaasi oo wakhtigooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba galiyay in ubadkooda ay uga tagaan dhaxal ay u aayaan. 


 

Hablahan qurbajoogta ah oo kaashanaya qurbajoogta kale ee gobolka iyo cid walba oo waxtari kartay ayaa hawl'galka dhismaha dugsiga billaabay actober 2022 tirsiga taariikhda caalamka. Dugsigan ayaana lagu kharash gareeyay aduun lacageed oo dhan 793,000 oo Dollar oo udhiganta 99,125,000 oo birta Itoobiya ah.


 

Madaxwynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa yidhi; Dunnida majirto Dawlad kaligeed wax laga sugo. Diyaar baan unahay ka xukuumad ahaan in aannu dhiirrigelino, taageernana dhaqannadan wanaagsan ee wax-wada-qabsiga ah ee hadda billaabmay. Madaxweynaha ayaa umahad-naqay cidwalba oo doorkeeda ka qaadatay dhismaha dugsigan oo ay hormuud ka yihiin haweenka qurbajoogta ah ee gobolka Afdheer.


 

Dugsigan oo ay ka faa'iidaysan doonaan carruurta Agoonta ah ee ku nool gobolka Afdheer iyo Deegaankaba ayaa soo maray marxaladdo kala duwan waxaana loo sameeyay deeq-urruurino (Fund Raising) ay hormuud ka ahaayeen haweenka qurbajoogta gobolka oo maanta ku guulaystay hindisahoodii soo billaabmay 2 sano kahor.


 

Waxaa xusid mudan in isla maantaba la dhagax-dhigay dabaq G+4 ah oo ay dhisayaan isla qurbajoogta gobolka Afdheer si kharashka kasoo baxa Hotelkan loogu quudiyo agoonta wax ku baran doonta dugsigan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015