Xuska Hora Finfine Irecha waa madal aad u wayn oo ay ku muujinayso awooda midnimada iyo ixtiraamka itoobiya-Kasoo qayb galayaasha Munaasabada Irreeja - ENA Af-Soomaali
Xuska Hora Finfine Irecha waa madal aad u wayn oo ay ku muujinayso awooda midnimada iyo ixtiraamka itoobiya-Kasoo qayb galayaasha Munaasabada Irreeja
Addis Ababa; Kodxin/Maskaram 25/2017 (ENA):- Dadweynihii ka soo qayb galay munaasabada ayaa sheegay in Hora Finfine Irecha Festival ay tahay madal wayn muujinaysa awooda midnimada iyo ixtiraamka Itoobiya.
Dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid gobolada dalka Itoobiya dhan oo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka ayaa u yimid magaalada Addis Ababa si ay uga qayb galaan munaasabadan.
Mudane Mebratu Tolosa oo ka soo qayb galay munaasabada, Hora Finfine ayaa sheegay inay noqotay madal aad u wayn oo muujinaysa awooda midnimada iyo ixtiraamka ka dhexeeya Itoobiya.
Waxa uu sheegay in ay tahay munasibad aad u wanaagsan oo ay isugu yimaadaan marti sharaf shiisheeye taas oo aan ahayn dalka gudihiisa oo kaliya oo ay ku kulmaan.
Waxaanay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in xaflada quruxda badan ee Irecha ay si weyn ugu soo bandhigaan isla markaana ay kor u qaadaan bilicda irreeja.