Itoobiya waxay ka midtahay 5-ta waddan ee Afrikaanka ah ee ugu wax-soo-saarka badan ah (GDP)

Addis Ababa; Kodxin/Maskaram 25/2017 (ENA): Waxaa lagu dhawaaqay in ay Itoobiya kamid noqotay dalalka Afrika ee wax soo saarka guud uu sareeyo ee sanadlaha ah (GDP) sanadka 2024-ka.

Nigeria, Itoobiya,Koonfur Afrika, Masar iyo Aljeeriya ayaa ka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee la diiwaan geliyay wax soo saarka guud ee sanadlaha ah ee ugu sarreeya sanadka. 

Iyada oo taasi laga duulayo, marka la isku daro wax-soosaarka shanta waddan sannadkiiba waxa lagu sheegay in uu gaadhayo 1.4 trillion oo dollarka Maraykanka ah.

Taas oo macneheedu yahay, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, marka la isku daro wax-soo-saarka guud ee sannadlaha ah ee shanta waddan ayaa la sheegay in uu la mid yahay wax-soo-saarka guud ee sannadlaha ah ee dalalka Afrika ee hadhay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015