Waxaa daraasaad lagu soo sameeyey biyogalinta degmada Dhanaan - ENA Af-Soomaali
Waxaa daraasaad lagu soo sameeyey biyogalinta degmada Dhanaan
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram, 20/2016T.I.(ENA): Masuuliyiin heer deegaan ah oo uu weheliyo Dr. Saamuel Godfrey oo ka socda Hay'adda UNDP, maamulka gobolka iyo kuwa degmada Dhanaan ayaa gaadhay ceelbiyoodka Dhalin-wacays ee degmada Dhanaan oo qorshuhu yahay in biyogalin looga soo jiido degmada Dhanaan.
Masuuliyiintan oo uu horkacayo Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Madaxweynaha DDS Mudane Maxamed Yuusuf ayaa waxay kormeer ku tageen ceelkan oo masaafo dhan 36km u jira magaalada Dhanaan qodistiisuna uu horay u fuliyay mashruuca LLRP qorshuna yahay in ay hay'adda UNDP ay si casri ah daraasaad uga samayso aaggaas, si loo helo ceelalbiyoodyo kale oo macaan kadibna biyogalin loogu sameeyo degmada Dhanaan.
Masuuliyiintan ayaa waxay sidoo kale kulan ay la yeesheen waxgaradka magaalada Dhanaan kana wadahadleen qorshaha biyogalinta magaalada iyo xilliga la billaabi doono, waxayna odayaashan ka mahadceliyeen ballanqaadkii uu bilo kahor Madaxweynaha Deegaanka Mudane Mustafe Muxumed Cumar u ballanqaaday in sida u dhakhsiiyaha badan loo billaabi doono biyogalinta degmada Dhanaan.