Maamulka magaalada Addis Ababa ayaa khibradooda horumarineed ee wadooyinka magaalada Addis Ababa la wadaagay maamulka magaalada Jigjiga - ENA Af-Soomaali
Maamulka magaalada Addis Ababa ayaa khibradooda horumarineed ee wadooyinka magaalada Addis Ababa la wadaagay maamulka magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Baagume, 04/2016T.I.(ENA): Maamulka magaalada Addis Ababa oo khibrad aad u wanaagsan u leh horumarinta waddooyinka, ayaa khibraddooda la wadaagaya magaalooyinka kala duwan ee dalka.
Iyadoo taas laga duulayo ayaa wafti uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Addis Ababa mudane Moogaas Baalja waxay tageen magaalada Jigjiga, waxayna maamulka magaalada Jigjiga la wadaageen natiijadii horumarinta wadooyinka ee Addis Ababa oo ay dhawaan bilaabi doonaan horumarinta wadooyinka ee maamulka magaalada Jigjiga.
Madasha khibradaha la isku waydaarsanayay ayaa waxaa lagu soo qaatay fikrado ku saabsan aragtida horumarinta wadooyinka oo ay daraasad ku sameeyeen maamulka magaalada Jigjiga.
Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Addis Ababa, mudane Moogas Baalja, ayaa sheegay in horumarka ay deegaanka Soomaalidu wadaan deegaan ahaan iyo magaalada Jigjiga magaalo ahaan ay tahay mid lagu farxo, isagoo xusay in ka Addis Ababa ahaan maadaama ay natiijo wanaahsan ka keeneen shaqooyinka horumarinta wadooyinka khibradna ay u leeyihiin ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed ayaa sheegay in shaqada horumarineed loo baahan yahay in si taxadar leh loo qabto oo si wanaagsan looga fikiro.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la qabto shaqo berito la manafacaadsado, iyadoo maanka lagu hayo tayada, iyadoo la muujinayo fikirka ah in horumarku uu suurtagal yahay.
Ugu dambayntii Madaxweyne Mustafe ayaa ku nuux nuuxsaday in horumarka wadooyinka la sameeyo iyadoo la tixgalinayo dadka iyo muuqaalka deegaanka islamarkaana kor loo qaado heerka ay marayso magaalada jigjiga lana xaqiijiyo faa’iidada guud ee dadka deegaanka.