Waxaa xadhiga laga jaray waddada Jayga ah ee isku xidha Qabribayax iyo Buladari

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 29/2016T.I.(ENA): Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed iyo Madaxa Xafiiska Jidadka Mudane Idriis Muuse ayaa xadhiga ka jaray waddadan oo dherer ahaan dhan 56 KM ayna ku baxday lacag dhan 153 Milyan oo Birr.


 

Waddadan oo ay dhistay shirkadda dhismaha guud ee Al-Afi, kharashkeedana laga bixiyay khasnadda Xafiiska Jidadka ayuu horraan u dhagax-dhigay Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed. 


 

Wadadan waxaa ka faa'iidaysan doona bulshada Buladari oo katirsan degmada Shabeeleey iyo tuulooyin hoos yimaada Qabribayax. 


 

"Madaxweynuhu waxqabad  ayuu nagu ilawsiiyay xasuuqyadii iyo odhaahyadii cabsida ahaa ee nalooga bartay. Balanqaadyo door ah oo ay xukuumaddu noo samaysayna waa ay hirgaleen, aadna waan ooga mahadnaqaynaa", Sheekh Daahir Ibraahim oo ah Odayaasha Buladari. 


 

Xarunta Buladari oo ku suntan tacadiyo iyo xasuuqyo arxan darro ah oo loo gaystay bulshadeeda isbaddalkii kahor ayuu Madaxweynuhu socdaalkiisii koowaad usameeyay balanqaadyo ay kamid ahaayeen: Biyaha, Caafimaadka, Isgaadhsiinta, Waxbarashada iyo waddada; Kuwaasi oo maanta laga mahadnaqay hirgalkoodii.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015