Maamo Mihrat ayaa kulan la qaatay maalqabeenka dunida ee Bil Gates

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 28/2016T.I.(ENA): Guddoomiyaha Bangiga Qaranka Itoobiya, Mamo Mihratu, ayaa kulan la yeeshay maalqabeen Bill Gates, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha hay'addq Bill and Melinda Gates.

Bill Gates ayaa wadahadal miro dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Bangiga Qaranka Itoobiya, Mamo Mihratu, iyo Agaasimaha Guud ee Mashruuca Aqoonsiga Qaran ee casriga ah, Yodaahe Ar'aayaslase, waxayna ka wadahadleen suurtagalnimada in la xoojiyo iskaashiga jira iyo ka mid noqoshada dhaqaalaha casriga ah.


 

Si gaar ah waxay uga wadahadleen balaadhinta dhaqaalaha gobollka, nidaamka jinsiga iyo maaliyada Islaamka.

Ugu dambayntii Bill Gates waxa uu xaqiijiyey in Hay’adda Bill iyo Melinda Gates ay taageerayso dadaalka dawladda Itoobiya ee lagu xaqiijinayo kala-guurka casriga ah iyo ka mid noqoshada maaliyadda iyada oo la ballaarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee casriga ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015