Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya ayaa bilaabaysa duulimaad cusub oo ay ku tagayso Dhaaka - ENA Af-Soomaali
Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya ayaa bilaabaysa duulimaad cusub oo ay ku tagayso Dhaaka

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 24/2016T.I.(ENA): Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya ayaa shaacisay inay bilaabayso duulimaad cusub oo ay ku tagayso caasimada dalka Bangaaladeesh ee Dhaaka.
Shirkadda ayaa fariin ay soo dhigtay barteeda baraha bulshada ku sheegtay in 22ka, Xorrey, 2017T.I. ay bilaabayso dulimaadyo cusub taasoo toddobaadkii ka dhigaysa inay lix maalmood tagayso Dhaaka.
Ugu dambayntii waxaa la tilmaamay in Duulimaadku uu ballaarin doono duulimaadka ay shirkaddu ku tagto Koonfurta Aasiya, isla markaana uu xoojin doono isku xirka Bangaaladeesh iyo Afrika iyo Caalamka intiisa kaleba.