Mashruuca beerista Bariiska tijaabada ah ee Galbeedka Godey ee degmada Beer-caano oo lagu guulaystay.

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 21/2016T.I.(ENA): Raysal wasaare kuxigeenka JDFI, Temesgen Tiruneh iyo Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa daah furay goynta/jarista Bariiska Mashruuca Waraabka Galbeedka Godey ee degmada Beer-caano oo dhan 300 oo Hiktar.


 

Munaasibadda lagu daah-furayay Bariiskan ayay goob joog ahaayeen Madaxwayne kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo ee Dalka lehna Awood Raysal wasaare kuxigeen ee dhanka Dhisidda Nidaamka Dimuqraadiyadda mudane Aadan Faarax Ibraahim, Wasiirka Maaliyadda Dalka mudane Axmed Shide, Madaxwayne Kuxigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Beeraha Dalka Dr. Girma Amante iyo masuuliyiin kale.


 

Bariiskan oo la tijaabiyay ayaa la sheegay in lagu guulaystay, waxa uuna qorshuhu noqon doonaa in la ballaadhiyo wax-soo-saarkiisa, si looga kaaftoomo midka dibadda inooga yimaada, isku filnaanshaha damaanadda cuntadana kor loogu qaado.


 

Bishii March 21 keedii ayuu daah furay mashruucani beerista Bariiska Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar. Shan bilood kaddib ayaana la jarayaa Bariiskani oo tijaabadiisii lagu guulaysatay, daddaalkii la sameeyay dabadeed.


 

Madxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in isbaddalkii kahor wax-soo-saarka Deegaanka oo ahaa 7 Milyan oo kintaal ay xukuumaddu gaadhsiisay in ka badan 26 Milyan oo Kintaal si isku filnaanshaha bulshada loo xaqiijiyo.


 

Axmed Cumar (Afjar) oo kamid ah, iskaashatada Kaamil Farm Product ee maalgashaday beerista Bariiska, kana mid ah qurbajoogta Deegaanka ayaa yidhi; In aad cunto Bariis aad adigu beeratay (dhulkaaga) iyo in aad cunto mid dibadda kaaga yimid oo dad shisheeye ay beerteen_ waa ay kala dhadhan duwanyihiin. 


 

1750 Hiktar oo isugu jira noocyada kala duwan ee wax-soo-saarka sida: Bariis, Sisin, Galay, Masago yar-yarey iyo khudaarta qaybaheeda kala gadisan ayaa ka beeran agagaarka Mashruuca Waraabka Galbeedka Godey, kuwaasi oo ka faa'iidaysta biyaha Wabiga Shabeelle oo loo leexinayo qaab cilmiyaysan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015