Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada JDFI ayaa sheegtay inay kala shaqeyn doonto dhinacyada ay khuseyso ilaalinta Xuquuqda Carruurta

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 13/2016T.I.(ENA): Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada, Itoobiya ayaa sheegtay inay kala shaqeyneyaan Hay’adaha ku shaqada leh ilaalinta Xuquuqda Carruurta.

Wasaaraddu waxay sheegtay in la dajiyay siyaasado lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta.

Waxay sidoo kale shaaca ka qaadeen in la sameyn doono nidaam hawlgal oo lagu diiwaan geliyo weerarada iyo dhibaatooyinka loogeysanayo caruurta, lana sameyn doono hab maamulka macluumaadka carruurta si ay u helaan adeegyo dhameystiran oo ku habboon, lana xoojin doono howlaha isku xirka ah.

Xogtan oo ay wasaaradu soo dhigay barteeda baraha bulshada ayaa lagu sheegay in wasiiradu ay aad uga xun tahay fal-dambiyeedka foosha xun ee ka dhanka ah bini’aadantinimada ee lagula kacay Ilmaha yar ee sida arxan darada ah loo kufsaday dilkana loogu gaystay, wuxayna wasaaradu si kulul u cambaareynaysaa falkaas lagula kacay Heefan oo ahayd ilmo 7 sano jir ah.

Ugu dambayntii wasaaradu waxay sidoo kale shaaca ka qaaday inay tahay arrin ay kala shaqayn doonaan hay'adaha ay khusayso, iyagoona daba gal ku samayn doono talaabada fal-dambiyeedkan dhacay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015