Dawlada Itoobiya iyo shirkada AMEA power oo laga leeyahay Iskutega Imaaraadka Carabta ayaa kala sexeexday heshiis dabaysha lagaga dhalinayo Quwada korontada - ENA Af-Soomaali
Dawlada Itoobiya iyo shirkada AMEA power oo laga leeyahay Iskutega Imaaraadka Carabta ayaa kala sexeexday heshiis dabaysha lagaga dhalinayo Quwada korontada
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 12/2016T.I.(ENA): Waxaanay labada dhinac oo ay kala matalayeen Wasiirka Maaliyada JDFI Mudane Axmed Shide, Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha DDS Xuseen Xaashi (PhD) & Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Isutaga Imaaraadka Carabta Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan sexeexa ku duugeen isticmaalka dhulka dabaysha lagaga dhalinayo quwada korontada.
Mashruucan oo laga hirgalinayo degmada Ayshaca ee Gobolka Siti ayna ku baxayso aduun lacageed oo dhan 620 milyan oo doolar oo ay ku maalgalinayso Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa lagu wadaa in laga dhaliyo quwad koronto oo dhan 300MW. Quwadan koronto ayaa waxa ka faa'iidaysan doona 4 milyan oo qoys.
Degmada ayshaca oo kamida meelaha deegaanka soomaalida hodonka ku ah khayraadka dabiiciga ayaanu mashruucani ahayn kii 1aad ee nuuciisa ah dabaysha lagaga dhalinaayo quwada korontada ee laga hirgaliyo degmada ayshaca.