Masuuliyiinta gobolka Qorraxey iyo kuwa degmada Shilaabo ayaa la yeeshay shacabka ku dhaqan tuulada Caleen fagaaraha wacyigalinta nabadgalyada iyo xasiloonida xuduudaha gobolka Qorraxay.

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 12/2016T.I.(ENA): Kulankan oo ay soo buux dhaafiyeen bulshada qaybihiisa kala duwan ayaa waxaa shir gudoon ahaa guddoomiye kuxigeenka gobolka, madaxa xafiiska nabadgalyada, madaxa arimaha siyaasada Xisbiga Barwaaqo ee gobolka iyo komishineerka Komishinka Booliska gobolka Qorraxey, ayaa la isla meel-dhigay sidii xoog mid ah looga noqon lahaa xasiloonida gobolka iyo adkaynta nabadgalyada guud ahaan DDS, iyo deegaanada dariska ahba.


 

Masuuliyiinta ayaa shacabka usoo jeediyay ahmiyada ay leedahay ka wada shaqaynta nabadgalyada iyo maamulka suuban, gabo'gabadii kulankana laisku booriyay sidii shacabka ay u bilaabi lahaayeen ka qaybgalka dadwaynaha ee dhinacyada hormarka iyo amniga. 


 

Dhanka kale madaxda iyo ciidanka booliska gobolka ayaa ol'ole nadaafadeed ku qaaday xarunta caafimaadka ee tuulada Laasocaano oo ka mid ah ahayd goobihii ay masuuliyiintu hawlaha shaqo u tageen.


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015