Waxaa xadhiga laga jaray dhismaha guryaha danyarta loo dhisay iyo fasalada dheeraadka ah ee lagu daray dugsiyada Cabdimajiid Xuseen ee Qabribayax iyo Iskoolka Sheekh Axmed Boon ee Harta-sheekha

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 06/2016T.I.(ENA): Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Wasaaradda Xirfadda iyo Shaqada ee JDFI marwo Mufarixaat Kaamil ayaa xadhiga kajaray guryaha qiimaha jaban ee magaalada Harta-sheekha oo ay fulisay wasaarada xirfadaha iyo shaqada ee JDFI.


 

Masuuliyiinta ayaa sida oo kale xadhiga kajaray fasalada dheeraadka ah ee dugsiyada Cabdimajiid Xuseen ee Maamulka Qabribayax iyo dugsiga Sheekh Axmed Boon ee Harta-sheekha gaar ahaan fasalada oo dhamaystir kaddib ay qalabaysay wasaaraddu si adeegii baris barasho ay ubixiyaan.


 

Dhammaan dhismayaashan xadhiga laga jaray ayaa loo dhisay farsamo cusub oo ka kharash yar qaababkii hore ee guryaha loo dhisi jiray iyada oo la adeegsanayo Xig iyo sibidh meeshana laga saarayo garaa'idkii uu kubixi jiray kharashka badan. 


 

Farsamadan cusub ayaana ah mid barashadeeda laga billaabay Kuliyadda Xirfadaha iyo Farsamada gacanta ee Jigjiga si bulshada deegaanku uhelaan dhismayaal ay kaga baxaysk lacag yar.


 

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay muhiim tahay in wax laga barto oo la fuliyo qorshaha wasaaradaha fadaraalku ay dib ugusoo dhaadhacayaan bulshada iyo barnaamijyada tabarucaadka ah ee xilyada xaggaaga la fulinayo kuwaasi oo waxtar uleh bulshada.


 

Bulshada ka faa'iidaysanaysa mashaariicahan xadhiga laga jaray ayaa boggaadiyay maadaama ay waxtar uyeelan doonaan bulshada, xukuumaddana uga mahad-naqay daddaalkeeda ku aadan horumarinta bulshada.


 

Ugu dambayn masuuliyiinta Wasaaradda Xirfadda iyo Shaqada ee Dalka ayuuna kasokow xadhig jarka dhismayaashan uu socdaalkoodu salka ku hayay kormeerka iyo taageerida goobaha iyo adeeg-bixinta kuliyadaha Farsamada gacanta.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015