458 xubnood oo ah dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqii waynaa ee Ashawada ayaa loo qabtay kulan wada xajood ah. - ENA Af-Soomaali
458 xubnood oo ah dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqii waynaa ee Ashawada ayaa loo qabtay kulan wada xajood ah.

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 04/2016T.I.(ENA): Ganacsatadii ku hanti weyday dabkii ka kacay suuqii Ashawa ayaa loo qabtay kulan ku saabsan sidii loogu wareejinlahaa guryaha loo dhisay, maadaama dib u dajin ku meel gaadh ah loo samaynayo.
Dadkii ku hanti waayay ayaa loo dhisay guryo ku meel gaadh ah, iyadoona loo qori tuuri doona arbacada soo socota.
Bakhtiyaanasiibkan oo ay ujeedadeedu tahay sidii si cadcadaani ay ku dheehantahay loogu qaybin lahaa goobahani shaqo ee ku meelgadhka ah
Madaxa Xafiiska udiyargarawga masiiboyinka ee maamulka Magaalada Diri Dhaba mudane Daahir Cali ayaa sheegay in ujeedada guud ee kulankani uu yahay sidi loogu qaybin lahaa goobaan ganacsi ee la dhisay islamarkaana goobtaas ay ugu shaqo bilaabi lahaayeen.
Ganacsatada ayaana goobta degi doonta laga bilaabo maalinta arbacada ah ee soo socota, kadib markii loo bakhtiyaanasiibiyo.
Ugu dambayntii goobtan la dhisay ayaa ka kooban 493 guri oo isugu jira goobo ganacsi iyo bakhaaro.