Waxaa lasoo kormeeray adeegbixinta degmooyinka Ceel-ogaadeen iyo Dhoobaweyn

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 30/2016T.I.(ENA): Masuuliyiin iskugu jira heer deegan iyo gobolka Qorraxay oo ay hogaaminayaan Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha DDS iyo Madaxa Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS ayaa soo kormeeray adeegbixinta degmooyinka Ceel-ogaden iyo Dhoobowayn.


 

Kormeerkan oo ahaa dabagalka shaqooyinka iyo taakulaynta maamullada degmooyinka ayey waxay masuuliyiintu kormeer ku mareen adeegbixinta xarumaha caafimaadka degmooyinka Ceel-ogaden iyo Dhoobowayn, dhismaha socda ee hoyga waxbarashada Dhoobowayn, beeraha dalag iyo daryeel, iyo biyo xidheenka nagaad wayne ee degmada Dhoobowayn.


 

Sidoo kale waxay waftigu kulamo la qaateen waxgaradka degmooyinkaasi iyagoo ka waraysanayay xaaladaha guud iyo baahiyahooda, iyagoona jawaab celin waafi ah iyo warbixino ku sabsan waxqabadka Xukuumadda DDS ka helay waftiga.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015