Warsaxaafadeed ku saabsan qiimaha tigidhka diyaaradaha

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 30/2016T.I.(ENA): Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya ayaa warsaxaafadeed ku saabsan qiimaha tigidhka diyaaradda soo saartay.

Isbeddelka lagu sameeyay sarifka lacagaha qalaad ee Itoobiya awgeed, waxaanu ogaanay warar sheegaya in qiimaha tigidhada duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee shirkadda uu aad kor ugu kacay taaso lagu baahiyay warbaahin kala duwan iyo baraha bulshada. Sidaas oo ay tahay, waxaan jeclaysanay inaan sharraxaad kasiino arrintan rakaabkayaga/ macaamiisheena sharafta leh.

Qiimaha tigidhada diyaaraddaha ee duulimaadka caalamiga ah ee nidaamka gaadiidka hawada caalamiga ah waxaa lagu xisaabiyaa lacagta doolarka Maraykanka ama lacag la mid ah. Si kastaba ha ahaatee, rakaabku waxay ku bixin karaan lacagta dalka marka ay iibsanayaan tigidhada waddan kasta. Qiimaha tigidhka waxa loo xisaabiyaa iyadoo loo eegayo sarifka lacagta qalaad ee lacagta dalka maalinta tigidhka la iibsanayo.Tani waa dhaqan caalami ah oo ay isticmaalaan dhammaan shirkadaha diyaaradaha.

Shirkadda Diyaaraddaha ee Itoobiya ayaan wax isbedel ah ku samayn duulimaadyada caalamiga ah ee dollarka. Si kastaba ha ahaatee, marka tigidhada caalamiga ah lagu iibsado lacagta Birrta ah gudaha dalka Itoobiya, waxa korodhka uu ku yimid qiimaha ka dib markii uu qiimihii sarifka doollarku wax ka beddel uu ku yimid halka suuqa uu ka joogo hada lacagta Birrta. Macaamiisha qaaliga ahow, waxaan rabnaa inaad fadlan nala fahantaan arrintaas oo ah nidaam ay isticmaalaan dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee tigidhada ku iibiya gudaha dalka Itoobiya.

Dhinaca kale, ka dib isbeddelkii lagu sameeyay lacagta qalaad ee dalkeenna, ma jiro wax isbeddel ah oo ku yimid qiimaha tigidhada duulimaadyada gudaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan jecelnahay in aan idin xasuusino in wax yar laga yaabo in wax laga beddelo mustaqbalka qiimaha tigidhada duulimaadka gudaha sababo la xiriira soo iibsashada agabka diyaaradaha, qalabka diyaaradaha, iyo dayactirka diyaaradaha ay tahay waxa wax lagu kala iibsado lacagaha qalaad , sidoo kalena kiraynta diyaaradaha lagu kireeyo lacagta qalaad.

Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya.

Xubin ka tirsan Isbahaysiga Star

Wakaalada Warka Itoobiya
2015