Masuuliyiin heer deegaan ah ayaa xadhiga ka jaray guryaha martida ee degmada Dhuxun

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 30/2016T.I.(ENA): Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed iyo Madaxa Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga Inj. Muxyadiin Cabdi iyo gudoomiyaha gobolka Nogob Mudane Cabdirisaaq Maxamed ayaa soo kormeeray mashaariicaha horumarineed & adeegbixinta xarumaha dawlada ee magaalada Dhuxun.


 

Masuuliyiin iskugu jirtay heer deegaan iyo heer gobol oo ku guda jira kormeerkoodii shaqo ee gobolka Nogob oo gaadhay maagaalada Dhuxun ayaa soo kormeeray mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay magaalada & adeegbixinta xarunta caafimaadka magaalada, waxayna sidoo kale xadhig jar ku sameeyeen dhismaha guryaha martida magaalada Dhuxun.


 

Kormereerkan ayaana ahaa mid diirada lagu saaray islamarkaana loogu kuurgalay adeegbixinta xarumaha dawladda ee sida dhismaha dugsiga hoyga magaalada iyo dhismaha balaadhinta xarunta caafimadka magaalada oo heer gabo'gabo ku dhaw.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015