Waxaa dib u habayn lagu sameeyey sarifka iyo qiimaha lacagaha qalaad

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 22/2016T.I.(ENA): Sida laga soo xigtay dib-u-habaynta dhaqaalaha sare ee lagu dhawaaqay shalay, Bangiga Qaranka ee Itoobiya ayaa dib u habeyn ku sameeyay qiimaha lacagta qalaad.

Sida wax ka bedelka lagu sameeyay, waxa lagu sheegay in lacagta qalaad lagu go’aamin doono suuqa, Bangiga Qarankuna uu qaban doono oo kaliya shaqada sharciyaynta iyo dabagalka.

Dib-u-habaynta dhaqaalaha-yar-yar, ayaa lagu sheegay in kordhinta dakhliga sarifka lacagaha qalaad ay kow ka tahay, sidaas darteedna, dib u eegis lagu sameeyay qiimaha laga bilaabo maanta.

Guddoomiyaha Bangiga Qaranka Mamo Mihraru ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in dib u habeynta lagu sameeyay sarifka lacagaha qalaad ay sare u qaadi doonto dakhliga dalka Itoobiya.


 

Waxaa la sheegay in dib u habeynta sarifka lacagaha qalaad ay ka faa’ideysan doonaan malaayiin Itoobiyaan ah oo ku howlan sarifka lacagaha qalaad.

Waraaxaafadeedka ayuu ku sheegay in wax ka bedelka lagu xaqiijin doono in dhaqaalaha kasoo gala lacagaha qalaad ee dalka si sax ah loo soo geliyo dalka, loogana faa’iideysto muwaadiniinta iyo dadka wax soo saara.

Intaaa waxaa dheer, waxay ka caawinaysaa ganacsatada wax soo dhoofisa iyo warshadaha maxalliga ah inay kordhiyaan saamigooda suuqa.

Waxa kale oo la sheegay in dib u habayntani ay taageeri doonto oo ay xoojin doonto talaabooyin kale oo badan oo dib u habayn ah oo lagu kordhinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo casriyaynta dhaqaalaha Itoobiya iyo sidoo kale in dhaqaalaha loo furo maalgashadayaasha shisheeye.

Ugu dambayntii warsaxaafadeedka waxaa lagu xusay in wax ka bedelka uu wax weyn ka tari doono soo jiidashada maalgashadayaasha shisheeye, kordhinta maalgashiga tooska ah ee shisheeye, iyo ka dhigista nidaamkeena ganacsi mid la jaan qaadi kara wadamada jaarka ah iyo wadamafa saaxiibka ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015