Maayarada magaalooyin kala duwan oo dalka ah ayaa booqasho ku maraya mashaariicaha horumarineed ee ka socda Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Maayarada magaalooyin kala duwan oo dalka ah ayaa booqasho ku maraya mashaariicaha horumarineed ee ka socda Addis Ababa
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 02/2016T.I.(ENA): Maayarada magaalooyin kala duwan oo dalka ah ayaa kormeer ku maraya mashaariicaha horumarineed oo ka socda Addis Ababa.
Kormeerkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo qabanqaabiyay maamulka magaalada Addis Ababa iyo Wasaarada Magaalooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha JDFI iyadoo ay kasoo qaybgaleen maayarada magaalooyin kala duwan oo dalka ah.
Kormeerkan ayaa waxaa goobjoog ahayd wasiirka magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha JDFI Marwo Jaaltu Saani.
Maayarada ayaa booqday mashaariicaha horumarineed ee ay ka mid yihiin horumarinta wadooyinka, horumarinta togaga gudaha magaalada, waxayna booqan doonaan sidoo kale mashaariicaha kale ee horumarineed ee magaalada.
Maayar Adanej Abebe ayaa iyaduna ka warbixisay shaqooyinka horumarineed ee laga wado Addis Ababa iyo kuwa la soo gabagabeeyay.
Ugu dambayntii waxaa la tilmaamay in ujeedada booqashadoodu uu la xidhiidho sidii ay maayaradu wax uga baran lahaayeen khibradna ay uga qaadan lahaayeen Addis Ababa, isla markaana ay u gaadhsiin lahaayeen khibradooda dhamaan magaalooyinka dalka.