Mashruuca waraabka ee Cali Shuumay ee degmada Guradhaamoole ayaa xadhiga laga jaray - ENA Af-Soomaali
Mashruuca waraabka ee Cali Shuumay ee degmada Guradhaamoole ayaa xadhiga laga jaray
Addis Ababa, Agaali/Sane, 27/2016T.I.(ENA):
Masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hoggaaminayo Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha DDS, Xuseen Qaasim (PhD) islamarkaana weheliyaan madaxa xafiiska nabadgalyada, masuuliyiinta xafiisyada horumarinta waraabka, warfaafinta iyo biyaha ayaa xadhiga ka jaray mashruuca waraabka ee laga hirgaliyay tuulada Cali Shuumay ee degmada Guradhaamoole.
Mashruucan oo uu fuliyay Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS islmarkaana ay ku baxday 121 milyan oo birr ayaa ka koobaan goob biyoqabad ah kaasoo markiiba qabanaya 30 kun oo mitir kuyubik, kanaallo biyaha qaada oo isku dar ahaan dhan 15 km iyo 6 meelood oo loogu talo'galay in la iskaga gudbo. Waxaana looga faa’idaysanayaa dhul beereed dhan 300 hiktar oo ku kala yaalla tuulooyinka Cali Shuumay iyo Dugda-cade.
Masuuliyiinta heer deegaan oo ka hadlay munaasabada xadhigjarka ayaa tilmaamay in mashruucan muhiimad balaadhan u leeyahay bulshada Guradhaamolee iyagoo tilmamay in wax wayn kusoo kordhin doono dhanka waxsoosaarka ee ay caanka ku yihiin bulshadani islamarkaan wax ka taraya baahidii biyaha ee haystay.
Dhankoodna, bulshada aya dareenkooda ku cabiray sida ay ugu faraxsan yihiin hirgalinta mashruucan oo ahaa mid ay baahi wayn u qabeen kaas oo ay hoosta ka xariiqeen in uu noqday mid soo celiyay rajadooda waxsoosaar.