Jarmalka waxa ka go’an inuu sii xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay Itoobiya – Ergeyga gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika

Addis Ababa; Agaali/sane 25/2016 (ENA): Jarmalka waxaa ka go'an inuu sii xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay Itoobiya, ayuu yidhi Heiko Nietzsche oo ah ergeyga gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika.


 

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee JDFI, Ambassador Misganu Arega, ayaa kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Heiko Nietzsche.


 

Idanjire Misganu wuxuu sharraxay in Jarmalku yahay saaxiibka ugu weyn ee istaraatiijiyadeed ee Itoobiya. Sidoo kale wuxuu ka warbixiyay xidhiidhka adag ee ka dhaxeeya labada dal.

Ergayga gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Heiko Nietzsche, ayaa dhankiisa sheegay in Jarmalku ay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka uu la leeyahay Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha Geeska Afrika ee xilligan iyo gobolka oo ku salaysan dano wadaag.

Xogta laga helayo wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegeysa in Itoobiya ay tahay dal door muhiim ah ku leh gobolka.

 

 

 

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015