Itoobiya iyo Asarbayjaan ayaa ku heshiiyay inay ka wadashaqeeyaan isbedelka cimilada. - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Asarbayjaan ayaa ku heshiiyay inay ka wadashaqeeyaan isbedelka cimilada.

Addis Ababa, Agaali/Sane, 25/2016T.I.(ENA): Itoobiya iyo Asarbayjaan ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortagga masiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
Afhayeenka Golaha Wakiilada Shacabka JDFI Mudane Tagasa Jaafo ayaa wafdiga Asarbayjaan kala hadlay arrimaha sida dhow loogaga wada shaqeyn karo si looga hortago waxyeelada ka dhalan karta is bedelka cimilada.
Afhayeen Taagasa Jaafo ayaa sharaxay in Itoobiya ay ka shaqaynayso sidii looga hortagi lahaa isbadalka cimilada iyadoo siinaysa mudnaan gaar a. isagoo tilmaamay in hawlo badan laga qabtay dhanka horumarinta cagaarinta iyo dhirbeerista, natiijo la taaban karo laga keenay.
Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta JDFI Dr. Fitsum Asafaa, ayaa dhankeeda xustay in isbedello badan aan laga dareemayo isbedelka cimilada, iyadoo Itoobiya ay ka shaqeyneyso barnaamijka dhaqaalaha cagaaran si looga hortago isbedelka cimilada.
Waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Itoobiya iyo Asarbayjaan si loo sii xoojiyo natiijooyinka waara.
Mukhtaar Babayaf, Wasiirka Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka Asarbayjaan, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu Itoobiya kala shaqeeyo isbeddelka cimilada.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Asarbayjaan ay Itoobiya la wadaagi karto khibrada dheer ee ay u leedahay ka-hortagga masiibooyinka kayimaada isbedelka cimilada sida abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee la xidhiidhaba.
Ugu dambayntii xogta laga helayo golaha ayaa sheegaysa in afhayeenka golaha iyo waftiga Asarbayjaan ay ka fuliyeen gudaha xarunta golaha barnaamijka raadka cagaaran.