Mashruuca Biyogalinta Dhagax-Madaw oo ay ku baxday 52 Milyan oo Birr ayaa xadhiga laga jaray.

Addis Ababa, Agaali/Sane, 23/2016T.I.(ENA):

Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha DDS Xuseen Xaashi (PhD) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta xafiisyada Biyaha, Xoolaha iyo Hor.xoolo-dhaqatada DDS, Maareeyaha Mashruuca LLRP, Masuuliyiin sare oo ka kala socotay heer deegaan iyo Gobolka Jarar iyo waxgaradka bulshada yaa Xadhiga ka jaray mashruuca Biyagalinta Dhagax-madaw oo ay ka faa'iidaysan doonaan bulshada Dhagax-madaw iyo tuulooyinka ka agdhow ayaa waxaa maal-galiyey Mashruuca LLRP.


 

Mashruucan oo ay ku baxday 52 Milyan oo Birr ayaa sidookale waxaa la qoday laba ceel oo Dheerarkoodu kala yahay 110 Meter iyo 105 Meter, dhismaha 11 Water Point oo loogu talo-galay inay bulshadu ka cabaan, biyogalinta 15-Km iyo Ganeretada uu Mashruucu uu ku shaqaynaya oo ah 115KWA.


 

Warbaahinta SRTV ayaa tabisay in Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha DDS. Xuseen Xaashi Qaasim(PhD) uu bulshada ugu baaqay inay lahaansho Muujiyaan sida ugu haboona uga Faa'iidaystaan Mashruuca iyada oo lawada ilaalinaayo nabadda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015