Waxaa laga shaqayn doonaa sidii Koboca Dhaqaale ee la diiwangaliyay loo sii wadi lahaa - Dr. Legese Tulu

Addis Ababa; Agaali/sane 12/2016 (ENA): Si kobaca dhaqaale ee laga diwaan galiyay ee Itoobiya uu u sii socdo, Waxa loo baahanyahay in fiiro gaar loo yeesho in la sameeyo hawlo kor qaadayo wax soo saarka, sidaa waxa yidhi Wasiirka Adeegga Isgaadhsiinta ee Dawladda Leges Tulu (Dr. ).

Wasiirka ayaa kulan lala yeeshay shaqaalaha oo lagu qiimaynayay waxqabadaka wasaarada xidhiidhka  adeega arrimaha dawlada ee sanadkan 2016-ka, waxa uu sheegay in hindisayaasha la fulinayo si loo joogteeyo kobaca ay tahay in uu SI weyn u kobco.


 

Waxa uu tilmaamay in xoogga la saari doono dhinacyada Beeraha, Warshadaha, Macdanta, Dalxiiska iyo Tignoolajiyada, si koboca dhaqaale u ahaado mid Dhinac kasta ugusocdo.

Waxa uu sheegay in nabaddu ay muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha maadaama ay dowladdu ay SI wanaagsan  u hirgelin doonto shaqada nabadeynta dhinac walba.


 

Wasiiru-dawlaha Adeegga Isgaadhsiinta, oo hadal ka jeediyay wax-qabadka dhaqaale ee 10 bilood, ayaa xusay in celceliska kobaca dhaqaalaha adduunka ee muddada 2023-2024 uu yahay 3.2 boqolkiiba.

Waxa uu sheegay in Itoobiya uu kor u kaca dhaqaale gaadhay 7.9% ,waxana uu sheegay in wakhtigan la joogo dhaqaalaha Itoobiya uu yahay dalka 5aad ee ugu dhaqaalaha badan Afrika iyo caalamka Marka loo eegana uu galay kaalinta  57aad ee  dhaqaalaha caalamka.

Waxa uu sheegay in Laga shaqayn doonto  in sanadka soo socda  dhaqaalaha dalka la gaadhsiin doono 8.3%.

 Xogta laga helayo wasaarada  Adeegga Isgaarsiinta arrimaha Dowladda, ayaa tilmaamaysa in  la filayaa in koboca dhaqaale ee wax soosaarka Beeraha doonaan 6.1 boqolkiiba, warshadaha 2.8 boqolkiiba iyo qeybta adeegga 7.1 boqolkiiba.

Wasiirka  ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii loo dhimi lahaa sicir bararka halka uu hadda ka yahay 25.5 boqolkiiba hoos loo dhimi doonto boqolkiiba 12%.

Si natiijadaas loo gaadho ayuu sheegay in la qorsheynayo in meel looga soo wada jeest

Wakaalada Warka Itoobiya
2015