Maxkamadda Sare ee JDFI iyo Maxkamadda Sare ee dalka Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad

Addis Ababa; Agaali/sane 11/2016 (ENA): Maxkamadda Sare ee JDFI iyo Maxkamadda Sare ee dalka Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashigooda
 

Magaalada Sochi ee dalka Ruushka waxaa shalay ka furmay shirka wadajirka ah ee Maxkamadaha Sare ee Wadamada xubnaha ka ah BRICS.

Madaxweynaha Maxkamadda Sare ee JDFI Tewodros Mehret ayaa ka qeyb galaya shirka isaga oo matalaya dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Maxkamada Sare JDFI ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Maxkamadda Sare ee Ruushka, Irina Podnosova iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maxkamadda.

Xogta ay ENA ka heshay shirka baadhista arrimaha dastuurka ee dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in kulamada diiradda  ay ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac.

Kulankan ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo xidhiidh saaxiibtinimo oo xoogan, isla markaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii iskaashiga loo gaadhsiin lahaa meel sare. dhanka kale ah oo ay ku jiraan Maxkamadaha.

Kulamada kadib, Maxkamadda Sare ee Federaalka iyo Maxkamadda Sare ee Ruushka ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo lagu xoojinayo wadashaqeyntooda.

Sidoo kale waxaa la sheegay in heshiisku uu awood u siinayo in maxkamadaha ay iska kaashadaan dhinacyada waxbarashada, tababarrada, isgaarsiinta iyo tignoolajiyada (ICT),  iyo kor u qaadista tayada.

waxaa la filaya in Madaweynaha maxkamada sare ee dalka  Tederos Mehret uu kulamo bar bar socda shirka la yeesho Madaxweynayaasha  maxkamadaha sare ee wadamada kasoo qayb galay shirka.

Waxaa la sheegay in mudane Tederos uu shirka berri ah ka jeedin doono warbixin ku saabsan hannaanka isu Soo dhawaynta  iyo is waafajinta shuruucda ay soo saareen wadamada xubnaha ka ah BRICS.

Xogta laga helayo baadhista  arrimaha dastuurka ee dowladda federaalka ayaa muujineysa in la tashiyo laga yeelan doono mowduucyo kala duwan. shirka ayaa socon doona i

Wakaalada Warka Itoobiya
2015