Afrika iyo Laatiin Ameerika waa in ay matalaad wanaagsan ku yeeshaan hay’adaha caalamiga ah si codkooda loo maqlo – Aadan Faarax.

Afrika iyo Laatiin Ameerika waa in ay matalaad wanaagsan ku yeeshaan hay’adaha caalamiga ah si codkooda loo maqlo – Aadan Faarax.

Addis Ababa, Agaali/Sane, 10/2016T.I.(ENA):
Madaxa Xarunta Iskuduwida iyo Dhismaha Dimuqraadiyada Lehna Awood Ra'iisul Wasaare Kuxigeen ahna Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo iyo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Dalka Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in Afrika iyo Laatiin Ameerika ay tahay in ay matalaad wanaagsan ku yeeshaan hay’adaha caalamiga ah si codkooda loo maqlo.

Wafdi uu hoggaaminayo Mudane Aadan Faarax ayaa magaalada Fladifostok ee dalka Ruushka kaga qeyb galaya shirka caalamiga ah ee xisbiyada siyaasadda, kaasi oo socon doona inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 12-ka Agaali/Sane 2016T.I., iyadoo hal-ku-dhig looga dhigay Dalabka Aqlabiyadda Adduunka ee Multipolar.

Mudane Aadan Faarax oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa tilmaamay in Afrika iyo Laatiin Ameerika ay tahay inay matalaad wanaagsan ku yeeshaan hay’adaha caalamiga ah si codkooda loo maqlo.

Wuxuu xusay in BRICSna ay gacan ka geysan doonto dhisidda nidaam cusub oo caalami ah.

Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo waxa uu sheegay in xisbiga barwaaqo uu fahamsan yahay awoodda BRICS ee fagaarayaasha caalamiga ah, xisbiguna uu raacayo waxa ay BRICS samaynayso.

Waxa uu xusay in Madashan Caalamiga ah ee Xisbiyada Siyaasadeed ee lagu qabtay Fladifostok, Russia ay noqon doonto mid natiijo wanaagsan laga dareemo.

Waxa uu ku baaqay in la abuuro xiriir dhaqaale iyo mid maaliyadeed oo ka qeyb qaadanaya horumarinta iyo xiriirka dhaqaalaha.

Ugu dambayntii Mudane Aadan Faarax waxa uu cadeeyey inay diyaar u yihiin inay bedelaan hay’adaha maaliyaddeed ee caalamiga ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015