Qaar ka mid ah cunto-dhaqameedka Soomaalida ayaa loo xulay in ay ka mid noqdaan cuntooyinka dhaqan ee heer Qaran

Addis Ababa, Sane 3/2016T.I.(ENA):

Xafiisyada dhaqanka iyo dalxiiska, xirfadaha & shaqo-buurka ee DDS iyo kulliyadda xirfadaha kala duwan ee Jigjiga oo iskaashanaya ayaa soo xulay cunto dhaqameedka ay Soomaalidu gaarka u leedahay taas oo loo qorsheeyay in lagu daro cuntooyinka heer qaran ee laga heli karo hoteellada caalamiga ah ee magaalada Addis Ababa.


 

Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Mudane Salaad Dhabar ayaa sheegay in ujeedka looga gol'leeyahay in cunto dhaqmeedkan lagu daro cuntooyinka heer qaran ay tahay in la baro bulsho-waynta dalka cuntada  ay gaarka u leeyihiin Soomaalidu iyo in suuq ganacsi loogu helo cuntooyinkaasi.


 

Sida ay tabisay Warbaahinta deegaanka ee SRTV, Maareeyaha Kuliyada Xirfadaha kala duwan ee Jigjiga Mudane Nasri Axmed ayaa dhankiisa tilmaamay in dhawaan manhajka kuliyadda lagu dari doono barashada qaabka loo sameeyo cunto-dhaqmeedka Soomaalida.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015