Waxaa lagu dadaalayaa in shirkadaha horumarinta dadweynaha laga qaybgeliyo maalgashi istiraatajiyadeed oo lala yeesho shirkado shisheeye. - ENA Af-Soomaali
Waxaa lagu dadaalayaa in shirkadaha horumarinta dadweynaha laga qaybgeliyo maalgashi istiraatajiyadeed oo lala yeesho shirkado shisheeye.
Addis Ababa; Ginboot 1/2016 (ENA): Shirkadda maalgashiga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay dadaal ugu jirto sidii shirkadaha dawladda ee horumarinta iyo shirkadaha shisheeye ugala shaqayn lahaayeen maalgashiga
Shirkada Topan Gravity ee dalka Itoobiya ayaa shalay dhagax-dhigtay Beerta Warshadaha ee Bole Limi warshad lagu farsamaynayon kaarka Baasaboorka, Aqoonsiga Dijitaalka ah, ATM-ka iyo agabka kale ee lagu daabaco amniga.
Waxaa maanta dood wadaag ka yeeshay dhinacyada kala duwan ee ay khusayso shaqada ay waddo warshadaasi.
ku xigeenka xafiiska maalgashiga itoobiya melikt sahlu ayaa goobta ka sheegayinay tahay markii u horaysay ee ay maalgashi dawlada iyo sirkada ganacsi oo gaar ah ay iska kaashadaan warshada daabacaadaha sirta ah
Waxa kale oo uu sheegay in ay jirto Soo Dhawaynta maalgashiga ee mudnaanta lasiiyay ee dhanka beeraha,warshadaynta,dhismaha,sanadka,aalada casriga ah,dalxiiska lala kaashanayo shirkado shisheeye.Sidoo kale, waxaa lagu dadaalayaa in la balaadhiyo kalsoonida ganacsi si maalgashi balaadhan loosameeyo
Maamulaha guud ee shirkadda Topan Gravity Ethiopia Kalkidan Argega, ayaa sheegay in shirkaddan ay si wada jir ah u aas aaseen shirkadda Topan Gravity ee dalka Japan, Ethiopian Investment Holding, Birhan iyo Salam Printing iyo qalabaynta iyo qaybinta qalabka waxbarashada.
Waxa uu tilmaamay in loo asaasay inta badan in lagu daabaco qoraalo sir ah. Waxayna u sheegay in qoraaladan hadda kahor agu daabacayo dalka dibadiisa.Waxa uu sheegay in dhismaha wershadan laga dhisay dalka Itoobiya kaalin wayn ku yeelanayso horumarinta soo saarida aabacaada sirta ah ee daabacaadda.
Waxa uu tilmaamay in ay wax weyn ka tari doonto baahinta aqoonta iyo tignoolajiyada iyo sidoo kale shaqo abuurka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in warshadan ay soo saari doonto 5.6 milyan oo baasaboor ah sanadkii, isla markaana loo dhisi doono mid dabooli doonta baahida dalka iyo dibadda.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Suuqgeynta ee Topan Gravity Antoine Togi ayaa sheegay in Itoobiya ay Geeska Afrika ku leedahay suuq weyn oo ku habboon maalgashiga.
Waxay xuseen in tani ay keentay in shirkadu ay u doorato inay maalgashato.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay leedahay shirkad diyaaradeed oo caan ah ay tahay sabab kale oo loo doortay taasna ay u sahli karto in ay u safri karto dalal ka baxsan Afrika.
Waxa uu sidoo kale sheegay in mustaqbalka uu ku dadaali doono sidii arrintaasi loo gaari lahaa.