Shacabku waa inay sii xoojiyaan Amniga iyo nabada laga helay deegaanka – Ra’iisul Wasaare Abiye Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Shacabku waa inay sii xoojiyaan Amniga iyo nabada laga helay deegaanka – Ra’iisul Wasaare Abiye Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Miyaasiya 30/2016 (ENA):- Ra’iisul Wasaare Abiye Axmed (Dr.) ayaa sheegay in bulshadu ay sii wadaan nabadda laga helay deegaanka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaas ka sheegay munaasabad ka dhacday garoonka Welega, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaarahu.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Oromada looga baahan yahay in ay nabadda ilaashadaan oo ay xoojiyaan midnimadooda si ay u sii wadaan xoojinta isbedalka
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu soo jeediyay fikrado diiradda lagu saarayo xaqiijinta nabadda, midnimada iyo xorriyadda dhaqaale ee taageerada shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dardaaran uu soo jeediyay bulshada kaas oo ah in ay sii adkeeyaan nabada laga helay deegaanka.