Sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, 18 bilyan oo birr ayaa lagu fuliyay adeegyada horumarinta bulshada oo mutadawacnimo ah

 

Addis Ababa; Miyaasiya 17/2016 (ENA): Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ayaa shaaca ka qaaday in sagaalkii bilood ee la soo dhaafay ay adeegyo iskaa wax u qabso ah ay ka fuliyeen adeegyo horumarineed iyo adeegyo bulsho oo ku kacaya in ka badan 18 bilyan oo birr.


 

Wasaaradda ayaa golaha shacabka u soo jeedisay warbixinta sagaalka bilood ee sanad miisaniyeedka 2016-ka.

Wasiirka Ergoge Tesfaye (Dr.) waxa ay sheegtay in; In ka badan 24 milyan oo dhallinyaro ah oo ka kala yimid dhammaan dalka ay ka qaybqaateen adeegga iskaa wax u qabso.

 


Sidoo kale waxa ay tilmaantay in hawlahan iskaa wax u qabso ay ka fuliyeen ilaa 13 qaybood oo ay ka mid yihiin barnaamijka cag-cagaaran, dib-u-habaynta guryaha dadka tabarta yar, dhiig ku deeqida, adeega badbaadada wadooyinka iyo taakulaynta bini’aadantinimo.


 

Wasiirku waxa ay xustay in dhalinyaradu u gaadheen meelo kala duwan oo dalka ah, isla markaana ay ka fuliyeen adeegyo iskaa wax u qabso ah.

Waxa kale oo ay sharraxaad ka bixisay adeegga uu abuurtay fursado ay dhallinyaradu ku bartaan dhaqanka, qiyamka iyo waaya-aragnimada dadka kale.

Waxa uu sheegtay in in ka badan 58 milyan oo bulshada ka mid ah ay ka faa’iideysteen adeegga iskaa wax u qabso ee dhalinyarada.

Sidoo kalen Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay ka qeyb qaadatay horumarinta nabadda iyo ka hortagga colaadaha waxaa ka qaybqaadatay in kabadan 940,000 oo dhallinyaro ah.

See insights and ads

Boost post

Like

Comment

Share

Wakaalada Warka Itoobiya
2015