Wafdi ka socda heer Federaal iyo heer Deegaahar.n oo ay wehelinayaan hogaaminta Maamulka Magaalada Qabridahar ayaa soo kormeeray mashaariicaha  M.M.Qabrida

Addis Ababa; magaabid 10/7/2016:(ENA)

Wafdigan oo hawlo shaqo ujooga gobolka Qoraxey ayaa waxaa hogaaminaya Wasiir kuxigeenka Wasaarada Haweenka ee JDFI Marwo Huria Ali, waxayna kormeereen waxqabadka horumarineed ee M.M.Qabridahar, si loo xaqiijiyo yoolalka u dajisnaa Xisbiga Barwaaqo ee dhinaca horumarinta magaalooyinka deegaanada iyo dalka.


 

Masuuliyiinta M.M.Qabridahar ayaa wafdiga u soo bandhigay waxqabadka iyo qorsheyaasha ay hiigsanayaan.


 

warkan oo aan kahelay SRTV ayaa tilmaamaya

Wafdigu in u bogaadisay horumarka ku dayashada mudan ee isbadalkii kadib ka curtay M.M.Qabridahar, intaas kadib waxay booqdeen iskaashatooyinka iyo shaqsiyaadka loo sameeyay shaqo-abuurka iyo Jaamacada Qabridahar, kuliyada TVET-ka iyo cusbitaalka guud ee Qabridahar.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015