Shirka lagaga wadahadlaayo Arrimaha Socdaalka ee dalalka bariga Afrika ayaa ka furmay Addis Ababa. - ENA Af-Soomaali
Shirka lagaga wadahadlaayo Arrimaha Socdaalka ee dalalka bariga Afrika ayaa ka furmay Addis Ababa.

Addis Ababa; Yakaatiit 18/2016 (ENA): Shirka shanaad ee golaha wasiirada dalalka Geeska Afrika ee arrimaha socdaalka ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa.
Toban waddan oo dalalka bari Afirika ah oo ay ku jirto Itoobiya, wakiillo ka socda hay'adda socdaalka caalamiga ah, iskaashiga horumarinta bariga Afrika (IGAD) iyo guddiga dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika ayaa ka qayb galaya kulanka .
Waxaana lafilayaa in talooyin siyaasadeed kasobaxaan shirka si loo maareeyo tirada badan ee muhaajiriinta ah ee kadhoofa Afirkada bari.
Gaar ahaan dalalka sida Itoobiya oo kale ah oo ay ku badan yihiin tahriibayaal, isla markaana ah waddamo ay sii maraan; Waxaa la sheegay in la dejin doono jihooyin lagu wada shaqeynayo iyadoo la is dhaafsanayo khibradaha la xiriira istaraatiijiyadaha arimahani lagu maareynaayo.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay kulanka in loobaahanyahay in dalalkaasi ay is dhaafsan doonaan talooyin ku saabsan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa muwaadiniintooda, si loo dhimo tirada Tahriibka .
Wakiilo ka kala socda Somalia, Sudan, South Sudan, Uganda, Rwanda, Tanzania, Burundi, Eritrea iyo Djibouti ayaa maanta ka qayb galaya shirka madasha wadatashiga oo socon doona muddo afar maalmood ah.