Lixdii bilood ee sanadkan waxa culayska lasaaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha - Madaxweyne Mustafe Muxumad


Jigjiga Tir 24/2016 (ENA): Deegaanka Soomaalida, ayaa fiiro gaar ah la siiyay hawlaha kaabayaasha dhaqaalaha 6dii bilood ee laga soogudbay dhaafay , sida uu sheegay madaxwenaha dawlada deegaanka soomalida,mudane Mustafe Muxumad Cumar.


 

Golaha baarlamaanka deegaanka ayaa dhageystay kana dooday warbixinta waxqabadka lixdii bilood ee hore sanadkan 2016-ka.

Madax weynaha dawlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafa Muxumad ayaa warbixinta waxqabadka qorshaha dowlad ee lixda bilood ee sanad miisaaniyeedka 2016-ka fahfaahin kabixyay.

Sida uu warbixintiisa ku cadeyay madaxweynuhu , waxa fiiro gaar ah la siisyay howlaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.


 

Isagoo tusaale u soo qaatay wadooyin laamiga ah oo laga fuliyay magaalooyinka Goday iyo Qabri-dhaar, wuxuuna xusay in sanad miisaaniyeedka ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii loo dhameystiri lahaa howlaha kale ee hadhsan.

Dhanka Beeraha, waxaa la qorsheeyay in muddo lix bilood ah laga soo saaro degasnka 29 milyan oo kiintaal. hase ahaate in la awooday in 14 milyan in la soo saaray taasina ay saameyn ku yeeshay roobabkii degasnka Kada'ay.

Mudane Mustafe ayaa xusay waxqabadka dhanka arrimaha bulshada, gaar ahaan waxbarashada ah mid dhiiri galin leh, hase ahaate heerkii la rabay lagaadhi, loona baahan yahay in la iska kaashado horumarinta tayada waxbarshad.

Dhanka dakhli ururinta mar u kahadlay wax u tilmaamay marka loo eego sannadkii hore in u isbada muqdo. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wax badan la qabankaro marka dhanka dhaqaalaha deegaanka loo eego.

Iyada oo laga duulayo warbixinta lasoo jeediyay xubnaha golahaasi, ayaa su’aalo iyo talo bixino soo jeediyay kuwaas oo la xidhiidha arrimaha horumarka iyo maamulka suuban . Waxaana kajawaaby madax Wayne Musdafe ..

Goluhu wuxuu ka dooday oo ansixiyay Xeerka Dhismaha Dugsiyada Hoyga ah ee Deegaanka Soomaalida, waxaana lasoo gaba-gabeeyay kalfadhigii 6-aad ee caadiga ahaa oo socday muddo labo maalmood ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015