Dismaha xarunta Casriga ah ee Wakaalada Wararka Itoobiya Ayaa maanta xadhiga laga jarayaa - ENA Af-Soomaali
Dismaha xarunta Casriga ah ee Wakaalada Wararka Itoobiya Ayaa maanta xadhiga laga jarayaa
Addis Ababa, Tir 21, 2016 (ENA):-Wakaalada wararka ee ugu faca wayn dalka Itoobiya ayaa manta istuudiyaha cusub la daah furaya xaruntan casriga ah ee warbaahinta dalka Itoobiya ayaa waxa xadhig ka jarkeeda kazoo qaybgalaya masuuliyiin ka tirsan dawladd.
Xaruntan warbaahineed ayaa lagu qalabeeyay tignoolajiyada casriga ah ee warbaahinta, waxaana ay leedahay saddex telefishin iyo afar istuudiyo casri oo ah kuwa idaacadaha ah.
Waxa kale oo ka mid ah qolal badan oo xafiisyo ah, maktabado, hoolalka shirarka, xarunta madadaalada iyo waaxda jimicsiga casriga ah.
Wakaalada wararka Itoobiya ee ugu da'da weyn (ENA) oo ay ka soo wareegay 80 sano tan iyo markii la aasaasay, ayaa soo gudbisa warar iyo wixii la xidhiidha wararka si ay u gaadho hadafkeeda oo ah abuurista talo-qaran iyo dhisidda sumcadda dalka.
Si taas loo gaaro, waxay sii ahaanaysaa ilo wareed lagu kalsoonaan karo oo ku baxa afafka Amxaariga, afaan, Oromada, iyo tigreega oo ay ku jiraan afafka Soomaaliga iyo Canfarta oo ay dhawaan ka furtay 38 laamood oo dalka oo dhan ah.
Sidoo kale waxay soo ban dhigaysa Itoobiya muuqaalkeeda iyo xaqiiqada dhabta ah.
Luuqadaha adduunka laga heli karo luqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo Faransiiska.
ENA waxa ay u socotaa sidii ay ku gaadhi lahayd aragtideeda ah in ay noqoto mid lagu daydo, la isku halayn karo oo isha wararka saamaynta ku leh Afrika marka la gaadho 2022 t.i.
Waxa ay isu diyaarinaysaa in ay laamo ka furato Kenya iyo Jabuuti si ay u balaadhiso qaybinta iyo gaadhsiinta Bariga Afrika.
Waxa la ogsoonyahay ENA in la asaasay 1934-kii, iyada oo ah waax hoos timaada xafiiska wargeysyada iyo xayaysiinta, taas oo markaa loo yaqaanay Wasaaradda Qorista.
Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa magaceeda iyo maqaamkeeda warbaahineed ku heshay wareegtadii ugu horreysay ee aasaaska oo soo baxday 1960kii.
Digreeto Lr.1115/2011, waxa loo igmaday abuurista talo-qaran iyo dhisidda bilicda dalka, iyadoo ah isha ugu weyn ee wararka dalka iyo dibaddaba.
ENA waxay sii wadatay socdaalkeeda iyada oo raadkeeda ka tagtay guulihii siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dalka mudadii dheerayd ee ay jirtay.
Adeeggu wuxuu noqon doonaa waji cusub oo sare u qaadis ah, isagoo soo gudbin doona wararka iyo wararka la xiriira iyo barnaamijyada diirada lagu saarayo faa’iidada Itoobiya iyo dadkeeda, si degdeg ah oo tayo leh shacabka.