Xarun Casri ah oo ay dhistay Wakaalada Wararka ee Itoobiya Ayaa bari xadhiga laga jarayaa - ENA Af-Soomaali
Xarun Casri ah oo ay dhistay Wakaalada Wararka ee Itoobiya Ayaa bari xadhiga laga jarayaa
·
Addis Ababa, Tir 20, 2016 (ENA):-Wakaalada wararka ee ugu faca wayn dalka Itoobiya ayaa maalinta barito ah daah furaysa xaruntan casriga ah ee warbaahinta dalka Itoobiya ah, iyadoo ay goob joog ka noqon doonaan masuuliyiin ka tirsan dawladd.
Xaruntan warbaahineed ayaa lagu qalabeeyay tignoolajiyada casriga ah ee warbaahinta, waxaana ay leedahay saddex telefishin iyo afar istuudiyo casri oo ah kuwa idaacada ah.
Waxa kale oo ka mid ah qolal badan oo xafiisyo ah, maktabad hoolalka shirarka, xarunta madadaalada iyo jimicsiga casriga ah.
Wakaalada wararka Itoobiya ee ugu da'da weyn (ENA) oo ka soo wareegay 80 sano tan iyo markii la aasaasay, ayaa soo gudbisa warar iyo wixii la xidhiidha wararka si ay u gaarto hadafkeeda ah abuurista talo-qaran iyo dhisidda sumcadda dalka.
Si taas loo gaaro, waxay sii ahaanaysaa ilo wareed lagu kalsoonaan karo oo ku baxa afafka Amxaariga, afaan, Oromada, iyo tigreega oo ay ku jiraan afafka Soomaaliga iyo Canfarta oo ay dhawaan ka furtay 38 laamood oo dalka oo dhan ah.
Sidoo kale waxay ka dhigaysa Itoobiya muuqaalkeeda iyo xaqiiqada dhabta ah ee adduunka laga heli karo luqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo Faransiiska.
ENA waxa ay u socotaa sidii ay ku gaadhi lahayd aragtideeda ah in ay noqoto mid lagu daydo, la isku halayn karo oo isha wararka saamaynta ku leh Afrika marka la gaadho 2022 t.i.
Waxa ay isu diyaarinaysaa in ay laamo ka furato Kenya iyo Jabuuti si ay u balaadhiso qaybinta iyo gaadhsiinta Bariga Afrika.
Waxa la xusuustaa in ENA la asaasay 1934-kii, iyada oo ah waax hoos timaada xafiiska wargeysyada iyo xayaysiinta, taas oo markaa loo yaqaanay Wasaaradda Qorista.
Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa magaceeda iyo maqaamkeeda warbaahineed ku heshay wareegtadii ugu horreysay ee aasaaska oo soo baxday 1960kii.
Bayaanka Lr.1115/2011, waxa loo igmaday abuurista talo-qaran iyo dhisidda bilicda dalka, iyadoo ah isha ugu weyn ee wararka da