HADALKA OO FICIL NOQDAY WAA DHAXALKA DAWLADDA WADAJIRKA (MEDHEMER) - ENA Af-Soomaali
HADALKA OO FICIL NOQDAY WAA DHAXALKA DAWLADDA WADAJIRKA (MEDHEMER)
Horumarka iyo isbeddelka dhabta ah ee dal laguma cabbiro hadallada badan, balse waxaa lagu qiimeeyaa waxqabadka muuqda ee dhulka laga hirgeliyo iyo horumarka laga dareemo nolosha muwaadiniinta.
Sanadihii la soo dhaafay, dhaqanka cusub ee shaqo ee ay hirgelisay Dowladda Wadajirka (Medemer), iyo habka mashaariicda loogu dhammeystiro xawaare iyo tayo sare, ayaa dalka u horseeday marxalad cusub oo horumarineed.
Dhaqdhaqaaqan isbeddelku wuxuu si cad u muujiyey awoodda dalka uu caqabadaha qaran uga gudbi karo adkaysi, isla markaana khayraadkiisa iyo aqoontiisa ugu beddeli karo natiijooyin la taaban karo.
Waxa sii xoojiyey baraarugga qaran ee hirgalay, waa hindisayaasha horumarineed ee gudaha laga soo hindisay, kuwaas oo Dowladda Wadajirka (Medemer) ka hirgelisay qaybaha kala duwan, isla markaana ay wehelisay ka-qaybgalka firfircoon ee shacabka.
Mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyey miyiga ilaa magaalooyinka ayaa door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta saldhigga dhaqaalaha dalka.
Sidaas darteed, natiijooyinka la taaban karo ee maanta laga arkayo daafaha kala duwan ee Itoobiya waxay si cad u muujinayaan in dalka dib loogu dhisayo hannaan cusub.
Fikradda uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) marar badan ku celceliyo ee ah in Itoobiya ay dhismayso, ayaa ah udub-dhexaadka dhammaan dadaalladan.
Isbeddelka laga sameeyey waaxda beeraha ayaa ah tusaalaha ugu horreeya ee waxqabadka muuqda ee Dowladda Wadajirka (Medemer). Dhinaca wax-soo-saarka qamadiga, Itoobiya waxay ka gudubtay ku-tiirsanaantii gargaarka iyo soo dejinta qamadiga, iyadoo billowday inay wax-soo-saarkeeda u dhoofiso suuqyada dibadda. Tani waa guul si dhab ah loo xaqiijiyey.
Sidoo kale, koboca degdegga ah ee laga sameeyey wax-soo-saarka caanaha, ukunta iyo malabka, iyada oo loo marayo barnaamijka Lemaat Tirufat, ayaa aasaas muhiim ah u noqday xaqiijinta sugnaanta cuntada ee heer qoys.
Guulaha laga diiwaangeliyey dhinacyada tamarta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa dib u qaabaynaya awoodda dhaqaale ee dalka. Bilaabista koronto-dhalinta Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) iyo dardargelinta dhismaha Biyo-xidheenka Koysha ayaa awood la isku hallayn karo u abuuray waaxda warshadaha.
Intaa waxaa dheer, waddooyinka laamiga ah, buundooyinka iyo mashaariicda biyaha nadiifka ah ee laga hirgelinayo guud ahaan dalka ayaa isku xidhay dowlad-goboleedyada, korna u qaaday dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo maalgashiga.
Isbeddelka muuqaalka magaalooyinku waa markhaati kale oo indhaha lagu arki karo, gacantana lagu taaban karo, kana tarjumaya horumarka Dowladda Wadajirka (Medemer). Mashaariicda horumarinta marinnada magaalooyinka (Corridor Development) ee laga hirgeliyey Addis Ababa iyo magaalooyin kala duwan oo Dowlad-Deegaanada ayaa magaalooyinka ka dhigay kuwo ku habboon nolosha dadka deggan, nadiif ah, isla markaana buuxiya heerarka caalamiga ah.
Dhismaha goobaha dalxiiska sida Xuska Guushii Adwa, Entoto, Sheger iyo Gebeta Le Hager (Gorgora, Wenchi iyo Koysha) ayaa si weyn u beddelay dakhliga dalxiiska iyo sumcadda dalka.
Sidoo kale, dhinacyada warshadaha iyo tiknoolajiyadda waxaa laga fulinayaa hawlo dalka hore ugu sii dhaqaajinaya. Hindisaha Ethiopia Tamirt ayaa suurtageliyey in warshado hore u xidhnaa dib loo hawlgeliyo, isla markaana la kordhiyo wax-soo-saarka waaxda warshadaha, taas oo suuragelisay in la yareeyo kharashaadka lacagaha qalaad ee wax-soo-saarka dibadda laga soo dejiyo.