WAJIGA CUSUB EE MAGAALOOBIDDA

Horumarka dhismaha waddooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee ka socda magaalooyinka Itoobiya ma aha oo keliya dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, balse waa aragti casri ah iyo isbeddel ku yimid habka shaqo ee u horseeday horumarinta magaalooyinka marxalad cusub.

 

Dhaqdhaqaaqa horumarineed ee ka muuqda caasimadda Addis Ababa iyo magaalooyin kale oo kala duwan ayaa dejiyey halbeeg cusub oo muujinaya sida ay tahay in magaalooyinka loo dhiso, loo qurxiyo, loona sameeyo goobo ku habboon nolosha shacabka magalada.

 

Addis Ababa ayaa si xawli iyo tayo leh u ballaadhinaysa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo wax weyn ka beddelaysa muuqaalka magaalada. Waddooyin waaweyn, shabakado casri ah oo bullaacadaha iyo nalalka waddooyinka ah, jidadka dadka lugeeya iyo kuwa baaskiillada, iyo sidoo kale goobo cagaaran ayaa si isku xidhan loo dhisayaa, taas oo si weyn kor ugu qaadaysa awoodda kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalada.

 

Horumarkani kuma koobna oo keliya fududaynta isu-socodka gaadiidka, balse waxa uu sidoo kale kobciyey dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee magaalada, isaga oo abuuray jawi ku habboon ganacsiga iyo maalgashiga.

 

Horumarka ay Addis Ababa ku tallaabsanayso waxa uu dhaafsiisan yahay xaqiijinta faa’iidada ay ka helayaan dadka deggan magaalada, waxaanay sidoo kale noqonaysaa magaalo tusaale u ah magaalooyinka Afrika iyo xarun laga kororsado waayo-aragnimada horumarinta magaalooyinka.

 

Maadaama ay tahay xarunta Midowga Afrika iyo xarun diblomaasiyadeed, hawlaha dib-u-habaynta magaalooyinka ee ay Addis Ababa ku fulinayso muddo kooban, si degdeg ah oo isku xidhan, ayaa noqday tusaalooyin wax ku ool ah oo muujinaya in magaalooyinka kale ee qaaraddu ay awooddooda iyo himiladooda ku gaadhi karaan isbeddel la taaban karo.

 

Booqdayaasha, maalgashadayaasha iyo hoggaamiyeyaasha qaaradda ee magaalada yimaadda waqtiyo kala duwan ayaa indhahooda ku arkaya isbeddelka muuqaalka magaalada, iyagoo sidoo kale ka kororsanaya waayo-aragnimo.

 

Horumarkan oo dhami waxa uu macne buuxa yeelanayaa marka uu dadka deggan u abuuro deegaan nololeed oo ku habboon, ammaan ah, isla markaana soo jiidasho leh.

 

Maanta, Addis Ababa iyo magaalooyinka kale ee laga hirgeliyey horumarinta marinnada isku xidha qaybaha magaalada ayaa noqday goobo ku habboon oo ay qoysasku ku nastaan, dadka waayeelka ah iyo carruurtuna si xor ah ugu socdaan, halka dhallinyaraduna ay ku sameeyaan jimicsi iyo isdhexgal bulsho.

 

Ballaarinta goobaha nasashada dadweynaha, jardiinooyinka iyo waddooyinka tayada leh ee dadka lugaynaya ayaa kor u qaadday bilicda iyo soo jiidashada magaalada, iyadoo sidoo kale wanaajisay tayada nolol maalmeedka dadka deggan.

 

Guulaha waaweyn ee horumarkan laga gaadhay waxa kale oo ka mid ah xaqiijinta in dhammaan qaybaha bulshada ay si caddaalad ah uga faa’iidaystaan. Waayihii hore, waxa muuqanaysay in kaabeyaasha dhaqaalaha magaalooyinka iyo goobaha nasashada ee ku habboon ay ku koobnaayeen meelo gaar ah.

 

Hase yeeshee, mashaariicda hadda laga fulinayo qaybaha kala duwan ee magaalada ayaa loo dhisayaa si dhammaan qaybaha bulshada, oo ay ku jiraan dhallinyarada, haweenka, carruurta, dadka waayeelka ah iyo dadka naafada ah, ay si siman oo raaxo leh uga faa’iidaystaan.

 

Tani waxay suuragelisay in horumarinta magaalooyinku noqoto mid ka tarjumaysa ka-qaybgal loo dhan yahay iyo caddaalad bulsho.

 

Waxa suurageliyey in mashaariicdan waaweyn ee isku dhafan lagu dhammeystiro tayo iyo xawaare sare, laguna gaadhsiiyo adeegga xilli ka horreeya jadwalkii caadiga ahaa, waa hirgelinta dhaqan cusub oo ku saabsan hoggaaminta iyo fulinta mashaariicda.

 

Waxa la aasaasay hab shaqo oo suuragelinaya in hawlaha la qabto habeen iyo maalin (24/7), dhibaatooyinka si degdeg ah loo xalliyo, mashaariicdana si dhow loola socdo loona taageero. Gaar ahaan, beddelidda habkii shaqo ee kala go'go'naa ee ka dhex jiray hay'adaha iyo abuurista dhaqan shaqo oo isku xidhan, iskaashi iyo is-waafajin ku dhisan ayaa door muhiim ah ka qaatay dedejinta natiijooyinka.

 

Si loo xaqiijiyo sii socoshada marxaladdan cusub ee ay galeen Addis Ababa iyo magaalooyinka kale ee Itoobiya, waxa lagama maarmaan ah in la xoojiyo dayactirka iyo daryeelka kaabeyaasha dhaqaalaha, ballaadhinta horumarinta dhirta iyo goobaha cagaaran, iyo sidoo kale dareenka lahaanshaha ee shacabka magaalooyinka.

 

In si habboon loo isticmaalo loona ilaaliyo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada dadweynaha ee la dhisay waa masuuliyad jiilasha saaran.

 

Guud ahaan, horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hawlaha nadaafadda iyo bilicda magaalada ee ay Addis Ababa ku tallaabsanayso ayaa si cad u muujinaya in aanay magaalooyinka ka dhigayn oo keliya shacabka ku nool sii habboon u soo jiidata ,balse ay noqonayaan magaalo tusaale wanaagsan u ah magaalooyinka Afrika.

 

Haddii la sii xoojiyo ruuxan isbeddelka, magaalooyinka Itoobiya waxay sii kobcin doonaan doorkooda ku aaddan horumar waara iyo barwaaqo.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015