Magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doollo waxaa ka qabsoomay shirka wacyigalinta dakhliga iyo wadatashiga bulshada ee magaaladaasi.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta maamulka magaalada Wardheer, koox ka socota Xafiiska Dakhliga DDS oo uu hogaaminayo agaasimaha diwaangalinta iyo adeega canshuur bixiyayaasha ee Xafiiska Dakhliga Mudane Ilyaas Maxamed Maxamuud ayaa loo qabtay bulshada qaybaheeda kala duwan ee magaalada Wardheer ee gobolka Doollo, kulankan wacyigalinta ayaa daarnaa sidii bulshada fahan buuxa looga siin lahaa canshuurbixinta iyo dakhliga ku waajiba bulshada ayaa diiradda lagu saaray kulankan.

 

Gabo'gabadii agaasimaha diwaangalinta iyo adeega canshuur bixiyayaasha Xafiiska Dakhliga DDS ayaa sheegay wacyigalinta dakhliga ay qayb ka tahay dadaallada loogu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa canshuurbixinta iyo dakhliga ahmiyadda uu leeyahay bulshada ayaa ahaa mid fahan buuxa laga siinayay xubnaha kooxda Xafiiska Dakhliga DDS ayaa guud ahaan degmooyinka fobolka Doollo iyo maamul magaalooyinka kulamada wacyigalinta ka qaban doona.

 

XIGASHO :- SRTV SOMALI

Wakaalada Warka Itoobiya
2015